(Sawirro) Stadium Muqdisho oo roog cagaaran la dhigayo & Wasiirad Khadiija oo u digtay..

Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa daahfurtay dhigitaanka roogga cagaaran ee garoonka Stadium Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegtay in garoonka lagu qaban doono tartamo isboorti oo lagu horumarinayo cayaaraha dalka.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dhinaca kale u digtay Mas’uuliyiin doonaya inay si gaar ah uga faa’iideystaan dhismaha garoonkaasi, kuwaasoo damacsan in dhulka weyn ee hareerihiisa ku yaalla ay ka dhistaan guryo.

“Aniga ka wasiir ahaan, GOS, dhamaan xiriirada Ciyaaraha kala duwan iyo Bahweynta isboortiga Soomaaliyeed marnaba ma aqbali doono in dhulka Garoonka muqdisho laga dhex dhisto Guryo, Waana wax lala yaabo wixii 30-kii sano ee la soo dhaafay ay ka xishoodeen Jabhadihii iyo hoggaamiye kooxeedyadaii soo maray dalka ay ku dhiiradaan rag masuuliyiin sheeganaya”. ayey tiri wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Tuulada cayaaraha ee Muqdisho ayaa lagu sameeyay dib u dayactir xooggan, kaasoo qeyb ka ahaa dhismihiisa barnaamijka isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka.

Munaasabada daahfurka dhigista roogga cagaaran ayaa waxaa ku wehelinayay Wasiir Khadiijo Maareeyaha Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Guddoomiye ku-xigeenada amniga iyo arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan bahda isboortiga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -